top of page
                                             Qisooyin Badali Doono Noloshada

⊰♥⊱WIIL GUBAY GACANTIISA ISAGOO KA BAQAYO CADAABKA NAARTA⊰♥⊱

 

 

 Gabar dhalinyaro ah ayaa u baxday safar iyagoo jecel inay wax soo baaraan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadib waxay gaareen meel laga guurey,gabar gabdhaha ka mid ah waxayka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, ma...rkii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabartiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.

Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan,way gar garaacdey wiil dhalinyaro ah ayaa ka soo baxay,waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne Gabartii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey, Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabarta way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.
Markuu xoogaa jooga ba shamacaayuu gacantiisa saaraa oo ku gubaa, waagii markuu baryey isagoo fara guban ayuu gabartii ka xeeyey, gabadhuna waxay moodaysay inuuba jin yahay ninkaan farihiisa gubaya.
Markay aabaheed u tagtey ayeey qisadii uga sheekaysey kadibna odaygii waa rumaysan waayey, wuxuu is yir gabar dhalinyaro ah nin kama bad baadayso waxbaa jira, Odaygii wuxuu iska dhigey Nin safar ah Meeshii ninkii joogey ayuu tagey, kadibna ninkiidhalin yarada ahaa ayaa marti qaadey, Markii la is waraystey odaygii wuxuu arkey wiilka farahaguban, maxaa kugu dhacay buu ku yiri, wuxuu yiri waxaa igu dhacay, gabar dhalin yaro ah oo lunsan baa habeen dhawayd ila soo seexatey qolkan yar, kadibnashaydaankii ayaa i amrey inaan kashaqaysto, markasta oo uu i amro inaan ficil xun ku sameeyo gabartas dabkaas ayaan gacantagaliyaa, Odaygii go'aan wuxuu ku gaaray in uu wiilka gabarta u guuriyo sidaas buuna ku guursadey gabartii
Wuxuu ka tagey xaaraan Hal habeen ah, ilaahayna waxa uu siiyey xalaal lagu waaro.
ilaahay khayrka ha inawaafajiyo xumaha iyo sharkana ha inaga badbaadiyo

 

 

 

⊰♥⊱SU'AAL SOO ISLAMISAY KIRISHTAAN BADAN⊰♥⊱

 

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray Abuyazid Albasdhami, ayaa Maqlay Habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada ka dhex Qaylinaya, wuuna u Galay, kadibna wuu Dhex Fariistay, isagoo u Malaynaya inayna Garan doonin.
Baada...rigii Kaniisaduna markuu Hadal is yirina Sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri :- Ma Hadlayo ilaa aad inaga Dhex saartaan Ninkaas Muslimka ah. Waxayna weydiiyeen:- Sidee ku Ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri:- Muslimiinta Wajigooda waxaa ku taala Calaamad (Raadkii sujuuda), wuxuuna ka codsaday inuu baxo Sheekhu, Sheekiina wuxuu yiri:- Mabaxaayo ilaa uu Ilaahay ina kala Saaro.
Badarigiina wuxuu yiri:- Hadaba waxaan ku Weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si Sax ah uga Jawaabtana waxaan Raacaynaa Diintaada, haddii kalana Seef baa inaga Dhaxaysa!. Sheekhiina wuxuu yiri:- soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu Kalsoon inuu Ilaahay Qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo, Badarigiina wuxuu yiri:- ii Sheeg:-
1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin?
2) Labo aan Sadex Noqonin?
3) Sadex aan Afar Noqonin?
4) Afar aan Shan noqonin?
5) Shan aan Lix Noqonin?
6) Lix aan Todoba noqonin?
7) Todoba aan Sideed noqonin? Sideed aan Sagaal noqonin?
9) Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
10) Mase taqanaa Tobanka badan kartaa?
11) Maxayse yihiin 11 ku?
12) Muxuuse yahay Sheeyga Nool ee Neefsada?
13) Saddex iyo Toban aan Afar iyo Toban noqonin?
14) Mase taqaanaa Qabrigii la socday Qofkiisii?,
15) Yaa waaye kuwa Runta sheegay ee Naarta galay? Iyo
16) Sheeg kuwa Beenta Sheegay ee Janada galay?,
17) Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray Aabe iyo Hooya la'aan?,
18) Mase taqaanaa Geed leh 12 Laamood, Laan kastana Leedahay 30 waraaqood, Warqad kastana leedahay 5 Sabuul, Saddex Hooska ku Baxda iyo Labo Qoraxda ku baxda? Ka jawaab Su’aalahaas ?!

Sheekhiina wuu Istaagay, Ilaahay buuna Weydiistay inuu Carabkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-
1-Waaxidka aan Laba Noqnin waa - Allaahi SW.
2-Labada aan Sadex noqonin waa - Habeenka iyo Maalinta.
3-Sadexda aan Afar noqonin waa - Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse CS.
4-Afarta aan 5 noqonin waa - Tawraad, Injiil, Sabuur iyo Qur'aanka kariimka ah.
5-Shanta aan Lix noqonin waa - Shanta Saladood ee Ilaahay Faral yeelay.
6-Lixda aan Todoba noqonin waa - Maalmihii uu Ilahay Aduunka ku abuuray.
7-Todobada aan Sideed noqonin waa - Todobada Samo ee Rabbi Abuuray.
8-Sideeda aan Sagaal noqonin waa - Malaa'igta haysa Carshiga Rabbi CSW.
9-Sagaalka Mucjisana waa - Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse.
10-Tobanka badan kartaana waa - Ajarka Camalka Wanaagsan ee Rabbi u sii badin karo Qofkuu Rabo.
11-Koow iya Tobanku waa - Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii.
12-Sadex iyo Tobankuna waa - Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid
13-Shayga aan Noolayn ee Neefsadana - Waa Subaxda (Wassubxi idaa Tanaffasa).
14-Qabriga la socday Qofkii ku jirayna waa - Xuutkii Liqay Nabi Yunus CS.
15-Kuwa Runta Sheegay ee Naarta galay waa Yahuuda, oo yiri;- Kirishtanku Xaq kuma Taagna, iyo Kirishtanku oo yiri:- yahuudu Xaq kuma taagna, labada qolaba Run bay sheegeen, Naar bayna Gali doonaan, Gaalnimadooda darteet.
16-Kuwa Beenta Sheegay ee Janada Gali doonana waa Yusuf Walaalihii, oo yiri:- Yusuf Dhurwaa baa Cunay, ka dibna Aabahood baa Ilaahay Danbi dhaaf u Weydiiyay, Rabbina wuu u dambi Dhaafay.
17-Uunka uu Rabbi SW, Aabe iyo Hooya la'aana Abuurayna waa:- Malaa'igta, oo laga Abuuray Nuur, una baahneen, hooyo, Aabe, Cunto, Cabitaan iwm.
Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn Aabe iyo Hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa Hooyo, balse Aabe ma lahayn.
18-Geedka 12 Laamood lihina waa Sanadka oo ka kooban 12 Bilood (Laamood), Bil kastana waxay leedahay 30 Maalmood (Waraaqadood), Maalin kastana waxay leedahay 5 Salaadood (Sabuul), Sadex Hooska ayey ku baxaan waa Maghrib, Cishe iyo Subax, Labana Qoraxda ayey ku baxaan waa Duhur iyo Casar.

Ka dibna Sheekhii wuxuu ku yiri Badarigii;- Anigana hal Su'aal ah maku weydiin karaa? Isna wuxuu yiri;- Haa, soo daa,
Sheekhii ba yiri:-Muxuu yahay Janada Furaheedu? Badarigiina wuu Wareeray, wuuna Aamusay, waxaana ku Qayliyey Dadkiisii, oo Dhaheen:- waxaad weydiisay Sheekha Su'aalo Faro badan, Dhamaana wuu kaaga Jawaabay. Isna Hal Su'aal ah ayuu ku weydiiyay, mana ka Jawaabi kartid!.
Badarigii baa yiri:- Jawaabta waan Aqanaa, balse Idinka ayaan idiin Cabsanyaa!.
Iyagiina waxay Dheheen:- waxba ha Cabsanine ka Jawaab su'aasha!.
Wuxuuna ku Jawabay:- Janada Furaheedu waa:-(Laa Ilaaha illa Laah, Muxamad Rasuulu Allah). waxeyna Ogaadeen Diinta Xaqa ah iney tahay Diinta Islaamka, Maadaama ay Albaabka Jannada Furihiisa ay ku Qoran tahay Kelimadda (Laa Ilaaha Illalaah, Muxamadda Rasuulu laah).
Iyagiina Hal mar bay kaceen Dhamaantoodna waxeey wada yiraahdeen:-(Laa ilaaha ilallaah, Muxamad Rasulu Allah), Badarigiina way Eryeen, kaniisadiina waxay u Badaleen Masaajid ilaahay lagu Caabudo..

(ILAAHOOW TOWBADA IYO TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).

 

 

⊰♥⊱QISO CIBRI QAADASHO MUDAN⊰♥⊱

 

Qisadan waxey ku dhacday Gabar dhigan jirtay Kulliyadda Sharciga ee Jamacad ku taal mid ka mid ah Wadamada Khaliijka, Dabartaan waxey laheed Cod aad u Qurux badan, isla markaana waxey habeen walba Akhrin jirtay q...uraanka kariimka ah.
Hooyadeed habeenkii marka ay seexaneyso waxey istaagi jirtay Albaabka Qolka Gabarta, waxeyna Dhageysan jirtay codka quruxda badan ee aadka u macaan ee inanteeda ku aqrineyso Qur'aanka, sidaas ayuuna xaalku ahaa muddo dheer, ilaa ay maalin maalmaha ka mid ah ay ka xanuunsato inantii.

Qoyskii ka dhalatay ayaa Cusbitaalka ula cararay Gabartii, halkaas ayeyna in Muddo ah ku jirtay, ilaa uu Alle ka Oofsaday Gabartii, Qoyskii aad ayey u Argagaxeen markuu maamulkii Cusbitaalku uu ku Wargeliyey Geeriga Inantooda. Laakin warka Geerida Inantu wuxuu aad ugu Culusaa Hooyadeed oo aad uga Murugootay, Maalintii koowaad ee Geerida waxey ku aheyd Hooyadeed Sannad oo kale, aad ayeyna u Murugeysneed. markii ay ka tageen Dadkii u Tacsiyadeynaayey ayey Hooyadii waxey u Kacday 1dii habeenimo ee Saqda Dhexe dhanka Qolkii ay Inantu deggeneed, laakin markey soo gaartay Albaabka ayey Maqashay codad aad u badan oo aad moodid dad wada Ooynaaya, Hooyadii ayaa Naxday markaas ayey ka joogtay iney Qofka horey u gasho.

Subaxdii ayey ku Wargelisay Qoyskeedii wixii ay Xalay la Kulantay, Habeenkii xigay isla Waqtigii ay u sheegtay ayey dhamaan Qoyska Qolkii wada galeen, misana waxba kuma Arag, misana habeenkii Labaad ayey Hooyadii iska Waqtigii ay aaday Qolkii misana waxey la kulantay isla sidii oo kale oo waxey maqashay Oohintii oo kale, markaas ayey ku Wargelisay Aabihii inanta dhalay, kolkaas ayuu ku yiri:- waxaa laga yaabaa inaad u Maleesay ee Berito ayaan hubsan doonaa.

Subaxdii markii Qolkii la galay mise waxba kuma arkin, Hooyada waxey jecleed iney Maqalsiiso codkaasi Oohinta ah, waxey Arrintii u sheegtay Saaxiibteeda, waxey Saaxiibteeda ku Wargelisay iney Arrintan u sheegto Nin Sheekh ah, weyna ka Oggolaatay Go'aankii Saaxiibadeed, oo waxey u aaday Nin Sheekh ah oo Xaafadda Caan ka ahaa.
Haddaba Sheekhii aad ayuu u yaabay markuu Maqlay hadalkii Hooyada, sidaasi darteed wuxuu Hooyada ka Codsay inuu Guriga yimaado Xilliga ay Hooyadu Maqasho Oohintaasi oo ah Waqtigii ay Inantu Qur'aanka ay Aqrin jirtay.
Markuu Sheekhu uu yimid Gurigii ee loo Sheegay waxey Inantu sameyn jirtay ee Qur'aan Aqriska ahaa, ayuu hadana Maqlay sideey Hooyadii u sii Sheegtay isla Oohintii, Sheekhii markuu Maqlay Oohintuu ayuu isna Ooyey, markaas ayaa la Weydiiyey oo la yiri:- Sheekh maxaa kaa Oohiyey?, Sheekhi ayaa yiri:- Allaahu Akbar, Allaahu Akbar,,,, Malaa'igta habeen kasta markey Inanta Qur'aanka Aqrineesay wey soo Degi jireen oo wey Dhageesan jireen, laakin iminka waxey waayeen Codkii Inanta iyo Qur'aankii ay Aqrin jirtay.

Haddaba, Walaal taasi waxey ina Tusineysaa sida Qof Alle ku Xiran ay Geeridiisa uga Murugoonayaan wax kastoo Uunka jira xataa Malaa'igta.

 

 

⊰♥⊱QISO CAJIIB!!!!⊰♥⊱ .

 

 

SHEEKO:" Nin aamusan iyo Xaaskiisa oo Maskaxbadan"
Nin ayaa Guursaday Gabadh,wuxuu ula Noolaa Si Dagan oo fiican ,wuxuu ahaa Nin aamusan oo aan Hadal Badnayn,,Biilka iyo Nafaqada Xaaska si fiican ayuu uga soo bixi Jiray,Caruur ayay u Dhasha...y ,wuu Jeclaa Iyaduna way Jeclayd,Hasayeeshee Jacaylkiisu wuxuu ku Koobnaa uun In wuu waxkasta oo ay u baahantahay u keeno oo uuna Intaasi wax dhaafsiisan oo Hadal ah Lamuu La hayn,,sheeko iyo ciyaar iyo Kaftan iyo maararow kale midna lamuu lahayn,,Wax kasta oo ay Waydiisato wuu siinaayay oo wuu u keenaayay,,Nin Baahida Xaaskiisa Ka Gaabiya muu Ahayn,Nin intaasi dhaafisiisana muu ahayn,,10 Sano ka dib ayay Gabadhii ama Xaaskii Maskaxda Badnayn ee Fariida ahayd Fikirtay,,waxay Samaysay,maalin maalmaha ka mid ah Isaga uu shaqadiisii sii Tagaayay,ayaa waxay siisay CANJALAD (TAPE)Ama Shariid wax ku Duubanyihiin,waxay ku tidhi marka aad sii socoto sii Dhagayso Canjaladaasi,,wuu ka Qaatay oo wuu dhaqaaqay,Than Canjaladii ayuu ku Riday Raadyowgii lagu dhagaysanaayay Canjaladaha,,wuxuu sugay Mudo dhan 20 Seconds ama Il Bidhiqsi,Canjaladii way Shidmi wayday,40 Seconds ka Dib ayuu Hore u dhaqaajiyay waxba way ka shidmi waayeen,markuu Mudo dhan 2 Daqiiqo sugaayay,ee ay bixi wayday ayuu la xidhiidhay xaaskiisii,Wuxuuna ku yidhi:Canjaladan waxba kuma Jiraan Xabiibti oo way Madhantahay,,Waxay ku Tidhi: In yar sug way Bilaami doontaaye,,wuu sugay oo wuu Rogrogay Wali way Hadli laada'ay oo waxba kama Baxayaanba,wuu La hadlay xaaskiisii mar 2 baad waxay ku yidhi waxba kuma jiraan,,Waxay ku tidhi in yar sug way bixi doontaaye,,mudo dhan 12 Daqiiqo Ka dib ayuu gaadhay Xafiiskiisii Shaqada walina Canjaladii waxba kama Hadlayaan oo sidii ayay u aamusantahay,,Xaaskiisii ayuu mar 3 xaad la xidhiidhay wuxuuna ku yidhi,waxaad i siisay Canjalad madhan oo aysan waxba ku jirin,,Waxay ku tidhi marka aad soo Rawaxayso Galabta ku Day oo shid markaasi ,wuu Sameeyay waa sidii Hore oo waxba Ismay Badlin,mana shaqaynayso,,wuu la Hadlay mar 4 aad wuxuuna u sheegay in aysan waxba ku jirin oo ayna shaqaynayn,,Gurigii ayuu soo Gaadhay,wuu cadhooday wuxuuna ku yidhi :Miyaad iga Riwaayadaysanaysaa oo aad Igu dheeldheelaysaa Xabiibi,,waxay ku tidhi :Aaway Canjaladii ?!! wuu u dhiibay ,Waxay ku tidhi In yar iska Naso,Ka dib waxay soo Qaaday Raadiyihii jacnalada la Galinaayya wayna ku Riday canjaladii,,waxay ku tidhi Kaalay dhagayso,wuu u yimid,wuxuu sugay Daqiiqad waa sidii ,Hadana wuxuu sugaayay 2 daqiiqadood iyo Badh,,wuxuu ku yidhi sow ma Arkaysid in aysan waxba ku jirin oo ay aamusantahay canjaladu,,waxay ku tidhi in yar sug oo Sabir,,wuxuu sugay 5 Daqiiqadood,waxba kama soo baxayaan sidii ayay u aamusantahay,,markasta waxay ku leedahay in yar sug oo Sabir,,markii Danbe ayuu ku yidhi miyaad iga Riwaayadaysanaysaa maanta oo dhan ayaad I leedahay Sug in yar oo Sabir?!!!waxay ku tidhi:In yar sug oo Sabir,,wuxuu yidhi ma Sabri karaayo Intaasi ka Badan,,Ka dib Xaaski Fariida ahayd Inta ay soo jeedsatay Raadiyihiina Damisay oo canjaladii ka Saartay ayay tidhi: zowjkaygii aan Jecaalyow ma karaysid in aad u Sabirto canjalad madhan saacad badhkeed,ANIGUNA waxaan kuu Sabraayay 10 Sano Adiga oo aamusan,,Ninkii wuu Fahmay ujeedada xaaskiisu ka lahayd Canjaladan madhan,,,wuu Hagaajiyay Naftiisii, xidhiidhkii xaaskiisana wax buu ka Badalay,,Xaalkeediina wuu is Badalay Fikradaasi yar ee ay Samaysay oo Kaliya

 

 

 

⊰♥⊱QISO CAJIIB XIJAAB SHARAF U KENAY QOYS DHAN !!!!⊰♥⊱ .

 

waxey ahayeen Famil Carab ah, waxey lahaayeen Caruur, Aabaha ayaa soo Shaqeen jiray Hooyada Shahaadooyin wey heesatay, balse waxey hadana ku Qanacsaneed waxuu Ninkeeda soo Shaqeeyo oo Ayada Gurigeeda ayey iska joogtay. waxe...y sidaas Noloshooda ahaataba , Muddo ka dib Aabahii ayaa gGeriyoodey, Caruurtana wali meeysan Qaangaarin, Hooyada waxey ku Qasbanaatey iney Iyada Shaqo Raadiso weyna heshay Shaqadii markey mudo Hal sano ah, shaqeeyneyso ayaa Maamulihii Shaqada laga Beddalay, waxaana la keenay mid kale oo Cusub.
Haddaba kii Cusbaa ayaa Shaqadii dhaqsi wuxuu ku soo roay Xukun ah Niqaab in looga shaqeyn karin

Shaqada, Qofkii raba ha joogo, kaan Awoodinna ha iska baaxo, hooyadii wey Murugsatay Arinkaas, waxeyna la Xiriirtay TV-yada Carabta Mid ka mid ah oo Su'aalo laga weydiiyo Nin Sheekh ah,

Haddana Sheekhii ayey ka weydiiyeye Arrimihii Shaqadeeda ka dhacday, inuu Maamulihii Shaqada

uu Diiday in Niqaab looga Shaqeeyo Shaqada, waxeyna weydiisay Diinta waxey ka qabto Arrintaasi,

waxey kaloo u sheegtay ineysan Caruurteeda wax u heleynin hadeey Shaqadaan ka tagto, oo ay

Caruurteedana yihiin Caruur Agoon ah, oo Aabahooda dhintay.

 

 

⊰♥⊱QISO CAJIIB OO ILIN KAA KEYNI DOONTO!!!!⊰♥⊱


Sheekha waxuu ku qasbanaadey inuu u Sheego Runta, waxuuna ku yiri:- waxaad Allaah dartiisa uga Tagto, Allaah waxuu kuugu Bedalayaa wax ka Kheer badan, wuxuuna u sheegay iney isaga taagto shaqadaas, maadaama uu Ilaaheey ka raali aheyn, in Niqaabta ay iska dhigto ayna Dembi ku tahay. Hooyadii waxey Sheekha u sheegtay iney Shaqadaas Allaah dartiisa uga tagtay eysan bariba u socon, Laba taleefan ka dib waxaa Sheekhii soo wacay, Nin Sacuudiyaan ah oo Maal qabeen ah Caana ah, waxuuna aad uugu Faraxsanaa Arinta Hooyadaas ay Sameeysay, wuuna u soo Degdegay inta aan looga Hormarin Ninkii waxuu Sheekha ka Codsadey in lagu Xariiriyo Haweeneydaas. Sheekha iyo Qoladii TV-ga ayaa weydiyey sawabta uu u Dalbanaayo, waxuu u sheegay inuu yahay Ninka Noocaas

ah ee Maal qabeenka Caanka ah, uuna Doonaayo inuu asigana Allaah dartiis uu Ilmahaas Agoomada

ah uu u Kafaalo qaado ilaa midka ugu yar ilmahaas intuu ka Qaangaaro, uuna Shaqo ka yeesho uu

Isiga Kafaaladiisa bixin doono Masruuf iyo Guri iyo waxbarashadooda inuu bixin doono waxey

 

doonto hala Ekaato. sheekhi ayaa Arinkaas aad ugu Farxay, Ninkiina waxuu u sheegay qofkii allah

dartiisa wax u bixiya allah wax ka badan inuu ugu badalayo u Duceeyay, Ilmihii iyo Hooyadoodna

halkaas ayey Nolol cusub uga bilaabantay oo Raaxo badan, waa kaa Allaah ruuxii Talo saarto weligiisa

inuusan qasaari doonin waa la hubaa.

 

 

⊰♥⊱QISO CAJIIB 'AQRINTA SUURATUL MULKI(TABAARAK)' !!!!⊰♥⊱

 

Waxaa Geeriyootay Haweenay Wanaag badan oo Cibaada Alle ku Dadaasha, Markii ay Dhimatay oo la Aasay ka dib Cid kasta oo Qabrigeeda soo Agmarta waxa ay Dareemi jirtay Udug aad u Udgoon, Dadkii ayaa la Yaabay Udgoon...ka ka soo baxaaya Qabriga Haweentaasi. Markii Sheekadii Magaaladii iyo Wadankiiba wada Gaartay ayaa waxaa loo yimid Ninkii Haweenayda Qabay, Kadib waxaa la Weydiiyey. Maxay Sameen jirtay Xaaskaaga?. Ninkii waxa uu ku Jawaabay waxa ay Aqrisan jirtay Surat Al Mulk (Tabaarak) Habeen kasta ka hor inta aysan Seexan. Xadiith laga wariyey Rasuulka CSW, wuxuu Sheegayaa Qur'anka waxaa kamid ah SuUrat Ciddii Aqrisata ay ka Badbaadi Doonto Cadaabta Qabriga. [marka Walaal Mar kasta Ku Dadaal inaad habeenkasta inta aadan Seexan Aqrisatid Surat Al Mulk (Tabaarak).

Waxaa Geeriyootay Haweenay Wanaag badan oo Cibaada Alle ku Dadaasha, Markii ay Dhimatay oo la Aasay ka dib Cid kasta oo Qabrigeeda soo Agmarta waxa ay Dareemi jirtay Udug aad u Udgoon, Dadkii ayaa la Yaabay Udgoon...ka ka soo baxaaya Qabriga Haweentaasi. Markii Sheekadii Magaaladii iyo Wadankiiba wada Gaartay ayaa waxaa loo yimid Ninkii Haweenayda Qabay, Kadib waxaa la Weydiiyey. Maxay Sameen jirtay Xaaskaaga?. Ninkii waxa uu ku Jawaabay waxa ay Aqrisan jirtay Surat Al Mulk (Tabaarak) Habeen kasta ka hor inta aysan Seexan. Xadiith laga wariyey Rasuulka CSW, wuxuu Sheegayaa Qur'anka waxaa kamid ah SuUrat Ciddii Aqrisata ay ka Badbaadi Doonto Cadaabta Qabriga. [marka Walaal Mar kasta Ku Dadaal inaad habeenkasta inta aadan Seexan Aqrisatid Surat Al Mulk (Tabaarak).

(ILAAHOOW UMMADAADA U GAR GAAR, YAA RABBI).

 

⊰♥⊱QISO CAJIIB!!!!⊰♥⊱ .

 

Waxaa iskool wada jiray Gabdho, maalin maalmaha ka mid ah ayey Gabar ka mid ah Ardaaydii Fasalka Lacag laga xaday, ka dib Gabadhii Macalinkii ayey u sheegtay, Macalinkiina Wuxuu u Wacay Kuwii Waardiyayaasha Iskuulka, si ay ...u Baaraan Qof Kasta Boorsadiisa. Waxa Laga Bilaabay Safka Koowaad Iyadoo Saf Saf Loo Maraayey, uu Qof kastaana Walwalsanaa Ayaa La Gaaray Safkii u Danbeeyey Gabar ka Mid ah, Gabdhihii Safka u Danbeesey Fadhiday ayaa Oohin Bilowday. Haddaba, Markuu Soo gaaray Waardiyihii Ayay Diiday In La Baaro oo Ay Furto Boorsadeeda, Ardaydiina Waxay uga Shakiyeen iney Iyada Lacagta Xaday, way Qaylisay Walaahi Anigu Lacagta Maan Xadin Ayay tiri!.
Waxa Loo Kaxeeyay Xafiiska Iskuulka, Maamulkii Ayaa Ka Codsaday inay Shandadeeda Hubiyaan Maamulkii Way ka Ogolaatay Markii Boorsadii la Furay ayaa Lagu arkay Wax Maamulkii Dhamaan ka yaabiyey, Waxaa Lagu Arkay Jab Buskud, Jab Rooti Iyo Cuntooyin yar yar oo Kale, Waa La Yaabay Waxa Gabadhii la Waydiiyey Waa Maxay Waxaan?, Waxay ku Jawaabtay:-Maan Doonayn in aan Ardayda Hortooda ku Furo Waayo Waxaan Aruursadaa Ardayda Reebreebkooda Markaan Guriga dib ugu Noqdo ayaan Cunaa Aniga & Walaalaheey & Hooyadeey Sidaas Ayaan ku Nool Nahay. Maamulkii Ayaa Ka Raali Galiyey Gabadhii Yarayd.

(ILAAHOOW UMMADAADA U GAR-GAAR, YAA RABBI).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

© 2012 by Eng.Abdirizak Mohamed . 

  • s-facebook
  • Twitter Metallic
  • s-linkedin
bottom of page