
▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲
---> TARJAMADA KITAABKA FIQUL MUYASAR <---
▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼
⊰♥⊱ SUNAYAASHA WAYSADA ⊰♥⊱
█►Caday qaadasho
█►Labada Gacmood oo la Mayro 3jeer waysada ka hor
█►Bisinka oo lagu Bilaabo Waysada
█►Maydhiga Xubnaha oo 3jeer la maydho waxaan ka ahayn madaxa
█►In lagu xeeldheeraado Luqluqashada,Sandaarsiga, Marka uusan soon jirin
█►In la duugo Tinga gadhka iyo Meelaha ban banaan ee Faraha horee lugihiyo Gacmaha
█►Xubnaha oo Si Dheeli tiran loo Dhaqo
█►In la Tartiibiyo Maydhiga Xubnaha (Yacni aan lakala hor marin )
█►In la Ducaysto Kadib marka laga Faro Baxo Waysada , Ducada oo ah ( ASH'HADU ALLAA ILAAHA ILA ALLAHU WAXDAHUU LA SHARIIKA LAH , ASH'HADU ANA MUXAMADAN CABDUHU WARASUULUHU , ALLAHUMA AJCALNI MINA'ATTAWAABIINA WAJCALNII MINAL MUTADAHIRIIN )---> Ma Banaana In uu Ruuxu ku Xad gudbo Biyaha
⊰♥⊱ WAXYAABAHA BURIYA WAYSADA⊰♥⊱
█►Wax Muuqda ama Neef ka Timaad Xaga danbe iyo Xaga hore Midkood
█►Ruuxa oo Xubinkiisa Taranka u taabta Dareen uu ka Rabo awgii
█►Haweenayda oo loo Taabto Dareen awgii
█►Cunista Hilibka Geela
█►Hurdo Xeel dheer oo Ruuxu Galo
█►Xiska(Caqliga) oo Ruuxa kaga Taga Waali ama Koomo I.W.M--->- Ruuxa Hore u yaqiinsaday in uu wayso Qabo , kadibna ka shikiya In ay waysadu ka Jabtay , sida Asalka ah Dahaaradiisu waa u baaqi.................................Waan sii Wadaynaa Bi'IdniALLAH________________________________________________Fiiro:√ Walaal , wixii aad Akhdaa ku dhex aragto qoraalkaas marka laga tago Khilaafaatka Aimada , ha hagranin in aad noo hagaajiso .√ Kitaabku ma Ictimaadin Mad-hab gooni ah , balse waxa uu kasoo Ururiyey Sheekhu Kutub kala Duwan , Sidaa darteed , Ma gooni yeelin mad-hab gaar ah , waxaanan ku gaabsaday Matniga Sheekh
▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲
---> TARJAMADA KITAABKA FIQUL MUYASAR <---
▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼
۞۩بسم الله الرحمن الرحيم ۩۞...
⊰♥⊱ NADAAFADA ⊰♥⊱
Nadaafada waxaa lagu Magacaaba Laba Arimood :-
1: Nadaafada Qalbiga oo ah In ruuxu iska Nadiifiyo Shirkiga iyo Istuska ALLE Cibaadadiisa , iyo Xiqdiga, Xasadka, Uur ku haynta ,
Nadaafadaas baana ka Muhiimsan Nadaafada Jidhka .
2: Nadaafada Jidhkuna waa : Xadas la iska Dulqaado , ama Wasakh la Tirtiro.
---> waxay u qaybsantaa Laba Nooc :-
►: Nadaafada Xadathka
►: Nadaafada Tirtirida Wasakhda
√:- Xadathku waa Laba NOoc:
1: Xadath Wayn :- Oo ah Midka waajibinaya Maydhiga JIdhka , waana Sadex Shay midkood :-
√ Jinaabo ( Ruuxa oo Biyihu Ka Yimaadan )
√ Dhiiga Caadada .
√ Dhiiga Dhalmada .
2: Xadath yar : waa Midka Waajibiya Wayso Kaliya
Sida Ruuxa oo neef ka timaad , ama Kaadi , ama saxaro IWM.
.................................Waan sii Wadaynaa Bi'IdniALLAH
________________________________________________
Fiiro:
√ Walaal , wixii aad Akhdaa ku dhex aragto qoraalkaas marka laga tago Khilaafaatka Aimada , ha hagranin in aad noo hagaajiso .
√ Kitaabku ma Ictimaadin Mad-hab gooni ah , balse waxa uu kasoo Ururiyey Sheekhu Kutub kala Duwan , Sidaa darteed , Ma gooni yeelin mad-hab gaar ah , waxaanan ku gaabsaday Matniga Sheekha.
▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲▲
---> Diintu Maxay Ka Qabtaa Ciidaha Gaalada<---
▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼▼
Diinta Maxay ka Qabtaa Gaalada in Ciidooda la'la Wadaago,Hadiyadna loo geeyo ama laga Qaato!...Sidoo kalana Ma Banaan Tahay in Cunto loo geeyo ama Cuntadooda la Cuno!..
Ma Banaano in ayada oo Gaalada lagu Dayanayo la Suubiyo Dabaal'dag iyo Xaflad Munaasabad ku Saabsan (Kirismis'ka ama Sanadka Cusub) ama in Hadiyo loo geeyo ama Hadiyad laga Qaato, Sidoo kalana ma Banaana in Raashin loo geeyo ama C...untadooda la'la Cuno!..Mana Banaana in Maalintaas ama Maalmahaas laga Dhigo Maalmo Fasax ah oo Hawl Walba oo la Qaban jiray la joojiyo!..
Nabiga ﷺ Waxa uu Xadiith ku Oranayaa, "Ruuxii Qola Isku ekaysiiya Ayaga ayuu Ka Mid Yahay"!.. Sheekh Ibnu Taymiyaha (Rabi Ha u Naxriisto) Asaga oo Xadiithkaas ka Hadlayo Waxa uu leeyahay, Kuda'yashada Ciida'hooda Waxay keenaysaa in Qalbigooda ay Faraxd galiso iyo Baadilka ay ku sugan yihiin!..Raashinkuna Waa Fursad ay rabaan in ay uga Faa'iidaystaan Dadka Daciifka ah!..
# Kitaabka_اقتضاء الصراط المستقيم مخالفة أصحاب الجحيم